
“Waxaana jira waxyaalo badan oo kale oo Ciise sameeyey, oo haddii mid mid loo wada qoro, waxaan u malaynayaa inaan dunidu qaaddeen buugagga laga qoro » (Yooxanaa 21:25)
Ciise Masiix iyo mucjisadii ugu horraysay ee ku qoran injiilka Yooxanaa, wuxuu biyaha u beddelaa khamri: « Maalintii saddexaad waxaa Kaana tii Galili jiray aroos, Ciise hooyadiisna halkaasay joogtay. Waxaana arooska loogu yeedhay Ciise iyo xertiisii. Markii khamrigu dhammaaday Ciise hooyadiis waxay isaga ku tidhi, Khamri ma ay qabaan. Markaasaa Ciise wuxuu iyada ku yidhi, Islaan yahay, aniga iyo adiga maxaa inoo dhexeeya? Saacaddaydu weli ma iman. Kolkaasaa hooyadiis waxay midiidinyadii ku tidhi, Wax kastuu idinku yidhaahdo, yeela. Meeshaas waxaa yiil lix ashuun oo dhagax ah, oo loo dhigay caadada Yuhuudda oo daahirinta, mid kastaana wuxuu qaadi jiray qiyaas laba ama saddex metritas. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ashuummada biyo ka buuxiya, goortaasay buuxiyeen ilaa girgirka. Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Ka soo dhura oo u geeya ka miiska arooska madaxda u ah, wayna u geeyeen. Kii madaxda ahaa markuu dhadhamiyey biyihii khamriga noqday ma uu ogayn meel ay ka yimaadeen, laakiin midiidinyadii oo soo dhuray way ogaayeen; markaasaa kii madaxda ahaa u yeedhay ninkii arooska ahaa, oo ku yidhi, Nin kastaa marka hore wuxuu soo saaraa khamriga wanaagsan, oo markay u cabbaan siday doonayaan dabadeedna ayuu keenaa kan liita; adiguse khamriga wanaagsan ilaa haddeer ayaad dib u dhigtay. Calaamooyinka Ciise tii ugu horraysay waxay ahayd tan uu ku sameeyey Kaana tii Galili, oo wuxuu ku muujiyey ammaantiisii, xertiisiina way rumaysteen » (Yooxanaa 2:1-11).
Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey wiilka addoonka boqorka: « Haddaba mar kale ayuu yimid Kaana tii Galili oo ahayd meeshuu biyihii khamriga kaga dhigay. Meeshaasna waxaa joogay sirkaal wiilkiisii ku bukay Kafarna’um. Isagu markuu maqlay inuu Ciise Yahuudiya ka yimid oo Galili gaadhay, ayuu u tegey oo ka baryay inuu u yimaado oo wiilkiisa bogsiiyo, waayo, dhimashuu u dhowaa. Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaanad calaamooyin iyo yaabab arkin, marnaba ma rumaysan doontaan. Sirkaalkii wuxuu ku yidhi, Sayidow, kaalay intaan wiilkaygu dhiman. Ciise wuxuu ku yidhi, Soco, wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa ninkii rumaystay hadalkii Ciise ku yidhi, wuuna socday. Intuu socday ayaa addoommadiisii ka hor yimaadeen, iyagoo leh, Wiilkaagii waa nool yahay. Markaasuu wuxuu iyagii weyddiiyey saacadduu ladnaaday. Waxay ku yidhaahdeen, Shalayto saacaddii toddobaad ayaa qandhadii daysay. Markaasaa aabbuhu gartay inay saacaddaas ahayd saacaddii Ciise ku yidhi, Wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa isagii qudhiisu rumaystay iyo kuwii gurigiisii joogay oo dhan. Haddaba tanu waa calaamadii labaad oo Ciise sameeyey markuu Yahuudiya ka tegey oo Galili yimid » (Yooxanaa 4:46-54).
Ciise Masiix wuxuu ku bogsiiyey Kafarna’um nin jinni qaba: « Wuxuuna u degay Kafarna’um oo magaalada Galili ah. Oo maalmihii sabtida ayuu dadka wax barayay. Waxbariddiisiina way la yaabeen, waayo, hadalkiisu amar buu lahaa. Waxaana sunagogga joogay nin jinni wasakh leh qaba. Cod weyn ayuu ku qayliyey, oo wuxuu yidhi, Na daa! Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi’iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay, Kan Quduuska ah ee Ilaah. Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin. Yaab weyn ayaa ku wada dhacay; wayna isla wada hadleen oo yidhaahdeen, Waa maxay hadalkan? waayo, jinniyada wasakhda leh ayuu amar iyo xoog ku xukumaa, wayna ka baxaan. Meel kasta oo dalka ku wareegsan ayaa warka isaga ku saabsan gaadhay » (Luukos 4:31-37).
Ciise Masiix wuxuu jinniyo ku saaray dhulka Gadareni (hadda Urdun, xagga bari ee Webi Urdun, oo u dhow harada Tiberiyas): “Goortuu yimid dhinaca kale oo dalka Gadareni, waxaa la kulmay laba qof oo jinni qaba oo xabaalaha ka soo baxaya, iyagoo aad khatar u ah, si aan ninna jidkaas u mari karin. Way qayliyeen iyagoo leh, Maxaa inoo dhexeeya, Wiilka Ilaahow? Ma waxaad halkan u timid inaad wakhtiga hortiis na silciso? Waxaa iyaga ka fogaa daaqsin doofaarro badan ah oo daaqaysa. Jinniyadii ayaa baryay iyagoo leh, Haddaad na saaraysid, noo dir daaqsinta doofaarrada ah, oo wuxuu ku yidhi, Baxa. Markaasay baxeen oo galeen doofaarradii, oo daaqsinta oo dhammu jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, oo biyaha ku bakhtiday. Kolkaasay kuwii daajin jiray carareen oo magaalada galeen, wax walbana way u sheegeen iyo wixii ku dhacay kuwii jinniyada qabi jiray. Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo” (Matayos 8:28-34).
Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey soddoh rasuul Butros: « Ciise goortuu guriga Butros galay, wuxuu arkay Butros soddohdiis oo jiifta oo qandhaysan. Markaasuu gacanteeda taabtay, qandhadiina waa ka baxday. Wayna kacday oo u adeegtay isaga” (Matayos 8:14,15).
Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey nin gacan engegan: « Waxaa sabti kale dhacay inuu sunagogga galay oo wax ku baray; halkaasna waxaa joogay nin gacantiisa midigeed engegnayd. Culimmadii iyo Farrisiintii ayaa fiirinayay inuu sabtida wax bogsiinayo iyo in kale, si ay ugu helaan wax ay ku ashtakeeyaan. Isaguse wuxuu gartay fikirradoodii; goortaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Kac oo dhexda isa soo taag. Wuuna kacay oo istaagay. Ciise wuxuu ku yidhi, Wax baan idin weyddiinayaa, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar, in naf la badbaadiyo ama in la dilo? Markaasuu isha wada mariyey, wuxuuna ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Markaasuu yeelay sidaas, gacantiisuna waa bogsatay. Markaasay aad u cadhoodeen, oo waxay ka wada hadleen waxay Ciise ku samayn lahaayeen » (Luukos 6:6-11).
Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey nin ka xanuunsanaya dhibco ( barar, dheecaan badan oo jidhka ku jira): « Maalin sabti ah markuu galay mid ka mid ah kuwa Farrisiinta u sarreeya gurigiisa inuu kibis cuno, waxaa dhacay inay fiirinayeen. Oo bal eeg, waxaa hortiisa joogay nin uurweynaad qaba. Markaasaa Ciise u jawaabay oo kuwii sharciga yiqiin iyo Farrisiintii ku yidhi, isagoo leh, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo, mise maya? Laakiin way aamuseen. Isaguse, intuu ninkii qabtay, ayuu bogsiiyey, markaasuu sii daayay. Wuxuu iyaga ku yidhi, Kiinnee baa leh dameer ama dibi ceel ku dhacay oo aan maalin sabti ah dhaqso uga soo bixinaynin? Wayna uga jawaabi kari waayeen waxyaalahaas » (Luukos 14:1-6).
Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey nin indha la : « Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la’ jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay, oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weyddiiyey waxaas waxay ahaayeen. Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasared ag marayo. Markaasuu qayliyey isagoo leh, Ciise, ina Daa’uudow, ii naxariiso. Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa’uudow, ii naxariiso. Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko. Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen » (Luukos 18:35-43).
Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey laba indhoolayaal: « Ciise intuu meeshaas ka tegayay, waxaa daba socday laba nin oo Indhala, iyagoo qaylinaya oo leh, Ina Daa’uudow, noo naxariiso. Goortuu guriga galay ayay nimankii indhaha la’aa u yimaadeen. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma rumaysan tihiin inaan waxan yeeli karo? Waxay ku yidhaahdeen, Haah, Sayidow. Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto. Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan. Laakiin iyagu way baxeen oo warkiisa ku fidiyeen dhulkaas oo dhan » (Matayos 9:27-31).
Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey kii dhega la’aa: “Mar kale ayuu soohdimaha Turos ka soo tegey oo Siidoon maray oo badda Galili yimid, soohdimaha Dekabolisna ayuu soo dhex maray. Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la’, waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro. Kolkaasuu dadkii badnaa dhinaca uga bixiyey, oo farihiisa ayuu dhegihiisa ka geliyey, wuuna tufay oo carrabkiisa taabtay. Markaasuu cirka kor u eegay, wuuna taahay oo ku yidhi, Efata, waxa weeye, Furan. Markiiba dhegihiisa waa furmeen oo carrabkiisii xidhnaa waa debcay, oo si bayaan ah ayuu u hadlay. Wuuna ku amray inaanay ninna u sheegin; laakiin in alla intuu amray, ayay in ka badan sii naadiyeen. Aad iyo aad bay ula yaabsanaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyey. Kuwa dhegaha la’ wax buu maqashiiyaa, kuwa carrabka la’na wax buu ka hadliyaa” (Markos 7:31-37).
Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey nin baras qaba: « Markaasaa waxaa u yimid nin baras leh, wuuna jilba joogsaday oo baryay, oo ku yidhi, Haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa. Kolkaasaa Ciise u naxariistay, oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay oo ku yidhi, Waa doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskii waa ka baxay, oo wuu daahirsanaaday » (Markos 1:40-42).
bogsiinta tobankii baras: « Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay. Oo goortuu tuulo galay, waxaa la kulmay toban nin oo baras leh oo meel fog ka istaagay. Markaasay codka kor u qaadeen iyagoo leh, Ciisow, Macallimow, noo naxariiso. Goortuu arkay, wuxuu ku yidhi, Taga oo istusa wadaaddada. Oo waxaa dhacay, intay sii socdeen, inay daahirsameen. Midkood goortuu arkay inuu bogsaday, ayuu soo jeestay oo cod weyn Ilaah ku ammaanay. Oo wejigiisa ayuu cagihiisa ag dhigay oo u mahadnaqay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya. Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Tobankii miyaanay daahirsamin? Laakiin meeye sagaalkii? Miyaan la arag kuwa u soo noqday inay Ilaah ammaanaan, shisheeyahan maahee? Markaasuu ku yidhi, Kac oo soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey » (Luukos 17:11-19).
Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey nin aan socon karin: « Waxaas dabadeed waxaa jirtay iiddii Yuhuudda, oo Ciise ayaa Yeruusaalem u kacay. Waxaa Yeruusaalem jirtay, Albaabka Idaha agtiisa, war biyo ah oo af Cibraani lagu yidhaahda Beytesda oo leh shan balbaladood. Meelahaas waxaa jiifay dad badan oo buka oo indha la’ oo laxaad la’ oo curyaan ah. Waxay sugayeen biyuhu inay dhaqaaqaan. Maxaa yeelay, malaa’igta Rabbiga ayaa marmar warta ku soo degi jirtay oo biyaha qasi jirtay; oo kii ugu hor galay biyihii markii la qasay dabadeed wuu ka bogsaday cudur kastuu qabay. Oo waxaa meeshaas joogay nin siddeed iyo soddon sannadood bukay. Markii Ciise arkay isagoo jiifa, oo gartay inuu wakhti dheer bukay, wuxuu ku yidhi, Ma doonaysaa inaad bogsato? Ninkii bukay wuxuu u jawaabay, oo ku yidhi, Sayidow, nin ma lihi inuu warta igu rido markii biyaha la qaso, laakiin markaan imaado, mid kale ayaa iga hor gala. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kac oo sariirtaada qaado oo soco. Markiiba ninkii waa bogsaday, wuuna qaatay sariirtiisii oo socday. Maalintaas waxay ahayd sabtidii » (Yooxanaa 5:1-9).
Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey suuxdin: “Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi, Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuunsadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo, oo waxaan u keenay xertaada, wayna bogsiin kari waayeen. Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga. Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday. Markaas xertii ayaa keli ahaan Ciise ugu timid oo ku tidhi, Annagu maxaannu u saari kari waynay? Wuxuu ku yidhi, Waa rumaysadyaraantiinna aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le’eg, waxaad buurtan ku odhan doontaan, Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag, wayna dhaqaaqi doontaa, oo waxba ma kari waayi doontaan” (Matayos 17:14-20).
Ciise Masiix wuxuu sameeyaa mucjiso isagoon ogayn: « Laakiin intuu socday dadkii badnaa ayaa cidhiidhiyey. Naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay, oo wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan dhakhtarro ku bixisay, oo ku bogsan kari weyday, midna xaggiisa, ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda. Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay. Markaasaa Ciise yidhi, Yuu yahay kan i taabtay? Markay wada dafireen, Butros iyo kuwa la jiray waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, dadkii badnaa ayaa ku jiidhaya oo ku cidhiidhinaya. Laakiin Ciise wuxuu yidhi, Qof baa i taabtay, waayo, waxaan gartay in xoog iga baxay. Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay. Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhoy, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey ee nabad ku tag » (Luukos 8:42-48).
Ciise Masiix meel fog buu ka bogsiiyey: « Goortuu hadalladiisa ku dhammeeyey dadka dhegaysadkooda ayuu Kafarna’um galay. Boqol-u-taliye addoonkiisii uu jeclaa ayaa bukay oo dhimashuu u dhowaa. Goortuu maqlay wax Ciise ku saabsan, ayuu waayeelladii Yuhuudda u diray isaga, oo ka baryay inuu yimaado oo addoonkiisa bogsiiyo. Goortay Ciise u yimaadeen, aad bay u baryeen oo ku yidhaahdeen, Isagu waa istaahilaa inaad waxaas u yeeshid, waayo, quruunteenna ayuu jecel yahay, oo sunagog ayuu noo dhisay. Markaasaa Ciise raacay, oo isagoo aan guriga ka fogayn, ayaa boqol-u-taliyihii saaxiibbo u soo diray oo ku yidhi, Sayidow, ha isdhibin, waayo, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid. Saas aawadeed uma aan malaynaynin inaan istaahilo inaan kuu imaado; laakiin hadal dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa. Waayo, anigu waxaan ahay nin laga sarreeyo, oo askar baa iga hoosaysa. Kan waxaan ku idhaahdaa, Tag, wuuna tagaa; mid kalena, Kaalay, wuuna yimaadaa; midiidinkaygana, Waxan samee, wuuna sameeyaa. Goortuu Ciise taas maqlay, wuu ka yaabay, oo intuu dadkii la socday ku jeestay ayuu ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Rumaysad sidaas u weyn oo kale reer binu Israa’iil kama dhex helin. Kuwii la soo dirayna kolkay gurigii ku noqdeen, waxay heleen addoonkii oo ladan » (Luukos 7:1-10).
Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey naag naafo ah 18 sano: « Maalin sabti ah sunagogyada midkood ayuu wax ku barayay. Oo bal eeg, waxaa joogtay naag siddeed iyo toban sannadood cudur qabtay, wayna isku soo jabnayd, mana ay kari karin inay istoosiso. Ciise goortuu arkay, ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haweentoy, cudurkaaga waad ka furan tahay. Kolkaasuu gacmihiisa saaray, oo kolkiiba way toosnaatay, oo Ilaah bay ammaantay. Kii sunagogga u sarreeyey ayaa cadho ku jawaabay, waayo, Ciise maalintii sabtida ahayd ayuu wax bogsiiyey, wuxuuna dadkii badnaa ku yidhi, Waxaa jira lix maalmood oo dadkii leeyihiin inay shaqeeyaan. Maalmahaas haddaba kaalaya, ha laydin bogsiiye, ee ha imanina maalinta sabtida ah. Laakiin Sayidka ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Labawejiilayaal yahow, mid kasta oo idinka mid ah miyaanu sabtida dibigiisa ama dameerkiisa ka soo furin golaha oo u wadin inuu soo waraabiyo? Oo naagtan oo ina Ibraahim ah oo Shayddaanku siddeed iyo toban sannadood xidhay, miyaanay lahayn in maalinta sabtida ah laga fura xidhmaddaas? Goortuu waxaas yidhi cadaawayaashiisii oo dhan way wada ceeboobeen, dadkii oo dhanna ayaa ku reyreeyey wax walba oo ammaanta lahaa oo uu falay » (Luukos 13:10-17).
Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey gabadh Feynikiin ah gabadheeda: « Ciise ayaa meeshaas ka baxay, oo dhinacyada Turos iyo Siidoon ayuu u leexday. Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa’uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya. Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa. Laakiin wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, La iima soo dirin, idaha lunsan oo reer binu Israa’iil maahee. Laakiin iyadu way u timid oo sujuudday, oo waxay tidhi, Sayidow, i caawi. Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro. Waxay tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyahu waxay cunaan jajabka ka dhaca miiska sayidkooda. Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay » (Matayos 15:21-28).
Ciise Masiix wuxuu joojiyey duufaanta: « Goortuu doonnida fuulay, xertiisii ayaa raacday. Oo waxaa badda ka kacay duufaan weyn, ilaa ay hirarku qariyeen doonnida, laakiin isagu waa hurday. Markaasaa xertiisii u timid oo toosisay, iyagoo leh, Sayidow, na badbaadi, waannu lumaynaaye. Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad u baqaysaan, rumaysadyarayaalow? Markaasuu kacay, oo canaantay dabaysha iyo badda, oo xawaal weyn baa dhacday. Haddaba nimankii waa yaabeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa nin caynkee ah kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?” (Matayos 8:23-27). Mucjisadan waxay cadeyneysaa in janada jannada dhexdeeda ma jiri doonto duufaano ama daadad sababi kara masiibo.
Ciise Masiix oo badda ku dul socda: « Goortuu dadkii badnaa diray ayuu keligiis buurta fuulay inuu ku tukado, oo goortii makhribka la gaadhay keli ahaantiis ayuu halkaas joogay. Doonniduse durba wax badan ayay dhulka ka fogaatay oo hirarku waa dhibeen, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd. Wakhtiga gaadhkii afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda. Oo xertiisii goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, way nexeen oo waxay yidhaahdeen, Waa muuqasho, oo baqdin bay la qayliyeen. Markiiba Ciise waa la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina. Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, haddaad tahay adiga, igu amar inaan biyaha kuugu dul imaado. Wuxuu ku yidhi, Kaalay. Oo Butros markuu doonnida ka degay ayuu biyaha ku dul socday inuu Ciise u tago. Laakiin goortuu dabayshii arkay ayuu baqay, oo markuu bilaabay inuu dego ayuu qayliyey oo ku yidhi, Sayidow, i badbaadi, oo markiiba Ciise gacantiisuu u taagay oo qabtay oo ku yidhi, Rumaysadyare yahow, maxaad u shakiday? Oo markay doonnida fuuleen, dabayshu waa joogsatay. Kuwii doonnida ku jirayna way caabudeen isaga, oo waxay ku yidhaahdeen, Runtii, waxaad tahay Wiilka Ilaah » (Matayos 14:23-33).
Pêche miraculeuse: “Intii dadkii oo dhan isku soo cidhiidhiyeen inay ereygii Ilaah maqlaan, ayuu is-ag taagay badda Gennesared; oo wuxuu arkay laba doonniyood oo badda ag taal; laakiin kalluumaystayaashii waa ka degeen, oo shabagyadoodii ayay maydhayeen. Markaasuu fuulay doonniyihii middood oo Simoon lahaa, wuxuuna ka baryay inuu in yar dhulka ka durkiyo. Markaasuu fadhiistay oo dadkii wax ka dhex baray doonnidii. Goortuu hadalkii dhammeeyey ayuu Simoon ku yidhi, Meesha biyaha u dheer gee, oo shabagyadiinna ku dejiya si aad kalluun u heshaan. Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, xalay oo dhan ayaannu hawshoonnay, waxbana ma aannu qaban, laakiin hadalkaaga dartii shabagyada waan dejinayaa. Goortay waxaas yeeleen waxay ku qabteen kalluun tiro badan, shabagyadooduna way kala dillaaci gaadheen. Markaasay u gacan haadiyeen wehelladoodii doonnida kale ku jiray inay yimaadaan oo caawiyaan. Wayna yimaadeen, oo waxay buuxiyeen labadii doonniyood, sidaa darteed ayay u dhowaadeen inay degaan. Laakiin Simoon Butros goortuu waxaas arkay, ayuu Ciise jilbihiisa isku tuuray, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaan ahay nin dembi leh, ee iga tag. Maxaa yeelay, isaga iyo kuwii la jirayba, waxay la yaabeen kalluunkii badnaa oo ay qabteen. Sidoo kalena waxaa la yaabay Yacquub iyo Yooxanaa oo wiilashii Sebedi ahaa, kuwii wehello Simoon la ahaa. Ciisena wuxuu Simoon ku yidhi, Ha baqin, hadda iyo hadhowba dad baad jillaabi doontaa. Markay doonniyahoodii dhulkii geeyeen, ayay wax walba ka tageen, markaasay raaceen isaga” (Luukos 5:1-11).
Ciise Masiix kibistii wuu badinayaa: « Waxaas dabadeed Ciise wuxuu u kacay dhinaca kale oo badda Galili oo ahayd baddii Tiberiyas. Dad badanna way raaceen, waayo, waxay arkeen calaamooyinkii uu ku sameeyey kuwii bukay. Kolkaasaa Ciise buurta u baxay, halkaasna ayuu xertiisii la fadhiistay. Markaasna waxaa dhowayd Iiddii Kormaridda ee ahayd iiddii Yuhuudda. Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan? Wuxuu waxaas ugu yidhi inuu jirrabo isaga, waayo, isaga qudhiisu waa ogaa wuxuu samayn lahaa. Filibos wuxuu ugu jawaabay, Laba boqol oo dinaar oo kibis ahi kuma filla in nin walba wax yar qaato. Markaasaa xertiisii midkood oo Andaros la odhan jiray oo Simoon Butros walaalkiis ahaa wuxuu ku yidhi, Halkan waxaa jooga wiil qaba shan kibsood oo shaciir ah iyo laba kalluun, laakiin waxaasi maxay u tarayaan dad sidan u badan? Markaasaa Ciise yidhi, Dadka fadhiisiya. Meeshaasina waxay lahayd doog badan. Haddaba nimankii waa fadhiisteen, tiradooduna qiyaastii waxay ahayd shan kun. Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen. Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin. Sidaa aawadeed ayay ururiyeen, oo laba iyo toban dambiilood ayay ka buuxiyeen jajabkii ka hadhay kuwii shantii kibsood oo shaciirka ahayd cunay. Haddaba dadkii markay arkeen calaamadii uu sameeyey, waxay yidhaahdeen, Runtii, kanu waa nebigii dunida iman lahaa. Ciise wuxuu gartay inay imanayaan inay qabtaan oo boqor ka dhigaan, sidaas daraaddeed ayuu mar kale keligiis buurta u baxay » (Yooxanaa 6:1-15). Dhulka oo dhan waxaa jiri doona cunto aad u badan (Sabuurradii 72:16; Ishacyaah 30:23).
Ciise Masiix ayaa soo sara kiciyey wiil carmal ah: » Markii dambe waxaa noqotay inuu galay magaalada Na’in la odhan jiray; waxaana raacay xertiisii, iyo dad badanba. Oo goortuu iriddii magaalada ku soo dhowaaday, waxaa dibadda loo waday nin meyd ah oo madi u ahaa hooyadiis; iyaduna waxay ahayd carmal. Oo waxaa iyada la jiray dad badan oo magaalada. Rabbigu goortuu arkay iyada, ayuu u naxariistay oo ku yidhi, Ha ooyin. Oo intuu ku soo dhowaaday, ayuu taabtay rabrabtii. Kuwii sidayna way joogsadeen. Markaasuu yidhi, Dhallinyarow, waxaan kugu leeyahay, Kac. Kolkaasaa kii dhintay sara fadhiistay oo bilaabay inuu hadlo, oo markaasaa Ciise isagii u dhiibay hooyadiis. Kulligood baqdin baa ku wada dhacday, oo Ilaah bay ammaaneen iyagoo leh, Nebi weyn ayaa dhexdeenna ka kacay. Ilaahna waa soo booqday dadkiisa. Warkaas isaga ku saabsan ayaa gaadhay Yahuudiya oo dhan iyo dhulka ku wareegsan oo dhan » (Lukos 7:11-17).
Ciise Masiix ayaa soo sara kiciyey gabadhii Yayros: « ntuu weli hadlayay, waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid nin ku leh, Gabadhaadii waa dhimatay, ee Macallinka ha dhibin. Laakiin Ciise goortuu maqlay, wuxuu ugu jawaabay, Ha baqin ee iska rumayso, wayna bogsan doontaa. Markuu guriga yimid, ninna uma oggolaanin inuu la galo, Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, iyo gabadha aabbeheed, iyo hooyadeed maahee. Kulligood waxay u ooyayeen oo u barooranayeen iyada, laakiin wuxuu ku yidhi, Ha ooyina, iyadu ma dhiman, waase huruddaa. Wayna ku qosleen, iyagoo og inay dhimatay. Markaasuu dadkii oo dhan dibadda u saaray, oo uu gacanteeda qabtay oo qayliyey isagoo leh, Yartoy, kac. Ruuxeedii ayaa ku soo noqday, oo markiiba way kacday, oo wuxuu amray in cunto la siiyo iyada. Waalidkeedii waa yaabeen, wuxuuse amray inaanay ninna u sheegin waxa dhacay » (Luukos 8:49-56).
Ciise Masiix ayaa soo sara kiciyey saaxiibkiis Laasaros, oo dhintey afar maalmood ka hor: “Ciise weli ma iman tuulada, laakiin wuxuu weli joogay meeshii Maarta kaga hor tagtay. Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato. Haddaba Maryan markay timid meeshii Ciise joogay oo ay aragtay isaga, waxay ku dhacday cagihiisa iyadoo ku leh, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen. Ciise haddaba markuu arkay iyadoo barooranaysa, iyo Yuhuuddii la socotay oo la barooranaysa, ayuu ka qalbi xumaaday, wuuna murugooday. Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag. Ciise waa ooyay. Sidaa daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Bal eega, siduu u jeclaa. Qaarkoodse waxay yidhaahdeen, Ninkan oo indhaha u furay kii indha la’aa, miyuusan wax ka samayn karin inuusan ninkaasu dhiman? Sidaa daraaddeed Ciise oo mar kale qalbi xumaaday ayaa xabaashii yimid. Waxay ahayd god, dhagax baana saarnaa. Ciise ayaa yidhi, Dhagaxa ka qaada. Maarta oo ahayd kii dhintay walaashiis, waxay ku tidhi, Sayidow, hadda wuu urayaa, waayo, afar maalmood buu mootanaa. Ciise wuxuu ku yidhi, miyaanan kugu odhan, Haddaad rumaysatid, waxaad arki lahayd ammaanta Ilaah? Markaasay dhagaxii ka qaadeen. Ciisena indhihiisuu kor u taagay oo yidhi, Aabbow, waan kuugu mahadnaqayaa inaad i maqashay. Waana ogaa inaad mar kasta i maqasho, laakiin dadkan badan oo hareerahayga taagan aawadood ayaan taas u idhi inay rumaystaan inaad adigu i soo dirtay. Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax. Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee” (Yooxanaa 11:30-44).
Kalluumeysiga mucjisada ah ee ugu dambeeyay (wax yar ka dib sarakicidda Masiixa): « Laakiin markii waagu beryay Ciise wuxuu taagnaa xeebta, xertiisiise ma ay garanaynin inuu Ciise yahay. Markaasaa Ciise haddaba ku yidhi, Carruur yahay, wax la cuno ma haysaan? Waxay ugu jawaabeen, Maya. Markaasuu ku yidhi, Shabagga ku tuura dhinaca midigta ee doonnida, waadna heli doontaane. Haddaba way tuureen, oo ma ayna karin inay soo jiidaan, kalluunka faro badnaantiisa aawadeed. Kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa ayaa ku yidhi Butros, Waa Sayidkii. Haddaba markuu Simoon Butros maqlay inuu Sayidka yahay, ayuu dharkiisa guntaday (waayo, wuu qaawanaa), oo wuxuu isku tuuray badda. Laakiin xertii kale waxay ku yimaadeen sixiimadda yar (waayo, kama ay fogayn dhulka, laakiin waxay u jireen qiyaastii laba boqol oo dhudhun), waxayna jiidayeen shabaggii kalluunka » (Yooxanaa 21:4-8).
Ciise Masiix wuxuu sameeyay mucjisooyin kale oo badan. Waxay xoojinayaan iimaankeenna, waxay na dhiirrigeliyaan oo ay soo koobaan barakada badan ee adduunka ka jiri doonta. Erayadii qoran ee rasuul Yooxanaa wuxuu soo koobaya tirada mucjisooyinka tirada badan ee ciise masiix uu sameeyay, dammaanad ka qaadanaya waxa ka dhici doona dhulka: “Waxaana jira waxyaalo badan oo kale oo Ciise sameeyey, oo haddii mid mid loo wada qoro, waxaan u malaynayaa inaan dunidu qaaddeen buugagga laga qoro » (Yooxanaa 21:25).
***
Maqaallo kale oo Barashada Kitaabka Quduuska ah:
Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, waddadaygana iftiin (Sabuurradii 119:105)
Dabaaldegga xusuusta dhimashada Ciise Masiix
Muxuu Yehowah u oggolaaday silica iyo xumaanta?
Waxbarashada hoose ee Kitaabka Quduuska ah
Maxaa la sameeyaa ka hor fitnada weyn?
Other African languages:
Afrikaans: Ses Bybelstudie-artikels
Amharic: ስድስት የመጽሐፍ ቅዱስ ጥናት ርዕሶች
Haussa: Labarun nazarin Littafi Mai Tsarki guda shida
Igbo: Akụkọ isii gbasara Akwụkwọ Nsọ
Malagasy: Lohahevitra Fianarana Baiboly Enina
Swahili: Makala Sita za Kujifunza Biblia
Xhosa: Amanqaku Aza Kufundwa IBhayibhile Amathandathu
Yoruba: Àkòrí mẹ́fà ti Ìkẹ́kọ̀ọ́ Bíbélì
Zulu: Izindikimba Eziyisithupha Zokufunda Ibhayibheli
Liiska oo ku qoran in ka badan 70 luqadood, oo mid walba ay ku jiraan lix maqaallo Kitaabka Quduuska ah…
Table of contents of the http://yomelyah.fr/ website
Akhri Kitaabka Quduuska ah maalin kasta. Liiskaan waxaa ku jira maqaallo Baybalka oo wargelin ah oo ku qoran Ingiriisi, Faransiis, Isbaanish, iyo Boortaqiis (Waxaad u isticmaali kartaa Google Translate si aad « ufahamto » nuxurka maqaalka adiga oo dooranaya mid ka mid ah luqadaha iyo luqadda aad door bidayso si aad u fahanto nuxurka maqaalka)…
***